Hordhaca Dibloomaha Sare
Barnaamijkan Dibloomaha af Soomaaliga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. waa Barnaamij hal sano oo waqti buuxa (Full Time) ah, ardaydana siinaya aqoonta lagama maarmaanka u ah afka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Barnaamijkani wuxuu la jaanqaadayaa halbeegyada akadeemiyadeed ee caalamka. Maaddooyinka takhasuska ah waxaa ardayda u wehliya, maaddooyin faham ka siinaya xirfadaha lagu dabaqi karo aqoonta ay qaateen, sida: waxbarashada, warbaahinta, tarjumaadda iyo wax qoridda.
Ardaydu waxay ka faa’iidaysan doonaan, manhaj dhammaystiran, oo isku daraya casharrada fasalka, waxqabadyada iyo doodwadaagyada, taas oo ardayda awood u siinaysa in ay daraasad dheeraad ah kusamayn karaan takhsuska af Soomaaliga ama shaqo degdeg ah oo xiriir la leh qaybaha afka hiddaha iyo suugaanta. Barnaamijkan si joogto ah ayaa dib loogu eegi doonaa, si; loo ilaaliyo tayada tacliinta.
Waxa uu yahay Barnaamijka Dibloomaha Sare
Barnaamijkani waa Diblooma sare oo af Soomaali ah, ayna bixinayso Kulliyadda Daraasaadka sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, looguna talagalay in uu hordhac u noqdo Mastar Takhasuska af Soomaaliga ah. Barnaamijkani ardayda waxaa uu siinayaa saldhig adag oo ku saabsan luqadda Soomaaliga iyo suugaanteeda, iyada oo loo marayo waxbarid ku dhisan cilmi-baaris wadashaqayn iyo aqoon iswaydaarsi.
Barnaamijku waxaa uu xoogga saarayaa ka qaybqalka ardayda, dhisidda firfircoonida, kobcinta fikirka naqdiga iyo adeegsiga aqoonta. Ardaydan dibloomaha waxa ay qalinjabin doonaan, ayaga oo kasbaday aqoon durugsan iyo xirfad togan, oo la xiriirta luqadda af Soomaaliga, Suugaanteeda iyo tabo tacliimeed horumarsan laguna kalsoonaan karo.
Yoolalka Barnaamijka Dibloomaha Sare
Dibloomadan waxay ujeeddadeedu tahay:
- In ay ardayda ka siiso faham aasaasi ah: afka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida.
- In ay ardayda ku tababbarto hababka aasaasiga u ah cilmibaarista iyo gorfaynta luqadda.
- In ay u diyaariso ardayda ka qalinjabisa xirfadaha waxbaridda, tarjumaadda, warbaahinta IWM.
- In ay kor u qaaddo Horumarinta qiyamka, ilaalinta afka, dhaqanka iyo tayada waxbarashada.
Filashooyinka Barnaamijka Dibloomaha Sare
Marka ay dhammeeyaan dibloomaha, ardaydu waxay yeelan doonaan:
- Aqoonta lagama maarmaanka u ah qaab-dhismeedka af Soomaaliga, oo ay ku jiraan codaynta, Naxwaha iyo Sarfaha.
- Fahmka toolmoon ee qoraallada maldahan, qaybaha suugaanta Soomaalida iyo qiimaheeda afeed.
- Barashada Dhaqamada taariikhiga ah iyo qaababka horumarinta afka Soomaaliga.
- Wadiiqooyinka Horumarinta wacyiga bulshada iyo Saameeyayaasha dhaqanka, afka iyo suugaanta.
- Fahamka mabaadi’da aasaasiga ah ee habqoraalka, tarjumaadda, warbaahinta iyo waxbaridda.
Xirfadaha Shaqo ee Barnaamijka Dibloomaha Sare
Ardayda ka qalinjabisa barnaamijkan dibloomada waxaa loo diyaariyay in ay kaalin mug leh ka qaadan karaan:
- Baridda af Soomaaliga dugsiyada hoose iyo bulshada guud.
- Adeegga tarjumaadda, diyaarinta barnaamijyada Documentary-ga Dhaqanka iyo tifatiridda warbaahinta Soomaalida.
- Kaalimaha maamulka hiddaha, dalxiiska iyo xiriirka dadweynaha.
- Dibloomadu waxaa kale oo ay ardayda u horseedaysaa waxbarasho sare oo dheeraad ah, oo ay ku jiraan barnaamijyada taqasusuka shahaadada Mastarka ee cilmiga luqadaha, suugaanta iyo waxbarashada.
Shuruudaha Gelitaanka Ardayga Dibloomaha Sare
Codsadayaasha barnaamijkani waa in ay buuxiyaan shuruudaha soo socda:
- Dhammaystirka shahaadada koowaad ee jaamacad la aqoonsanyahay.
- In uu leeyahay aqoon af Soomaali ah oo ku filan daraasad tacliimeed oo sare.
- In uu kala yimaaddo shahaado asluubwanaag ah goobtii uu wax kusoo bartay ama kasoo shaqeeyay.
| Semester One (Kalka 1-aad)
|
Course Title (Magaca Koorsada) | |
| Introduction to Linguistics
(Hordhaca Cilmi-afeedka) |
||
| Somali Morphology
(Sarfaha af Soomaaliga) |
||
| Media and Communication Skills
(Xirfadaha Warbaahinta iyo Isgaarsiinta) |
||
| Translation theories and Practice
(Aragtida Turjumaadda iyo Abbaarta) |
||
| Semester Two (Kalka 2-aad) | Somali Syntax
(Naxwaha af Soomaaliga) |
|
| Somali Literature
(Suugaanta Af Soomaaliga) |
||
| Language Teaching Methodology
(Habka Baridda Afka) |
||
| Academic Writing and Research Methodology
(Habka Cilmibaarista iyo Qoraalka) |
||
| Thesis (Buugga Qalinjabinta) | ||
