Hordhaca Mastarka
Kulliyada afafka ee Jaamacadda Ummadda Soomaiyeed waxay soojeedinaysaa Billowga Barnaamijka Masterka Afka iyo Suugaanta soomaaliyeed. Barnaamijkan, oo ah barnaamij la jaanqaadaya heerarka waxbarasho ee Caalamka, waxa lagu bixinayaa takhasus dhamaystiran oo ku saabsan cilmiga af Soomaaliga, Suugaanta, iyo Maaddooyin kobcinaya, hormarinaya, ballaarinaya Xirafadaha ardayda. Barnaamijkan Waxaa loogu talagalay ardayda haysata shahaado heer jaamacadeed (Bachelor) ah oo luqad ah, si loo soo saaro xirfadlayaal ka hawlgala jaamacadaha, iskoolladda, warbaahinta, iyo qaybaha kala duwan ee dhaqanka. Manhajka barnaamijkani wuxuu kulminayaa; aqoonta aragtida cilmiga ah iyo dabaqidda waayo-aragnimo wax ku oolka ah, taas oo adkaynaysa tayada iyo heerarka aqooneed ee ardayda. Takhasuska Mastarkan ah waxa uu si qotodheer u daarasaynayaa una soo bandhigaya hodontimada afka Soomaliga. Barnaamijkani waxaa uu yeelan doonaa dib u eegis joogto ah iyo hormarin taxane ah.
Waxa uu Yahay Barnaamijka Masterka
Barnaamijkan Masterka af Soomaaliga ah oo ay bixinayso Kulliyadda Daraasaadka sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waa barnaamij xambaarsan khibrad aqooneed heer sare ah, oo la jaanqaadayo ujeedooyinka tacliinta sare, si waafaqsan shuruucda iyo tilmaamaha waxbarashada qaranka. Barnaamijkan waxa uu ardayda siinayaa aqoon sare, xirfad sugan iyo abbaar suurtagal ka dhigaysa in ay gaaraan, heer aqooneeka looga baahan yahay Masterka caalamka.
Yoolalka Barnaamijka Masterka:
Yoolalka Barnaamijka Masterku waxay tahay:
- In uu barnaamijku ardayda ka siiyo aqoon sare: afka, suugaanta, cilmibaarista iyo dhaqanka Soomaalida.
- In uu barnaamijku ardayda ku tababbaro hababka rasmiga ah ee cilmibaarista, naqdinta iyo gorfaynta cilmi-afeedka.
- In uu barnaamijku ardayda u diyaariyo xirfadaha waxbaridda, tarjumaadda, lafaguridda suugaanta IWM.
- In uu barnaamijku sare u qaado horumarinta qiyamka, ilaalinta afka iyo dhaqanka iyo tayada waxbarashada dalka.
Filashooyinka Barnaamijka Mastarka
Marka ay dhammeeyaan Masterka, ardaydu waxay yeelan doonaan:
- Aqoonta lagamamaarmaanka u ah qaab-dhismeedka af Soomaaliga, oo ay ku jiraan cilmi-afeedka, suugaanta, dhaqanka iyo hannaanka rasmiga ah ee habqoraalka.
- Fahmka toolmoon ee qoraallada maldahan, jaadadka suugaanta Soomaalida iyo qiimaheeda afeed.
- Barashada Dhaqamada taariikhiga ah iyo hannaanka cilmibaarista iyo horumarinta cimi-afeedka.
- Wadiiqooyinka Horumarinta wacyiga bulshada iyo Saameeyayaasha dhaqanka, afka iyo suugaanta.
- Faham taariikheed ku saabsan horumarka af Soomaaliga iyo lahjadihiisa, falanqayn ku salaysan isdhexgalka dhaqamada iyo arrimaha bulsho ee saameeya afka.
- Aragti ku wajahan sida beelaha Soomaalidu iyo kuwa kale ee afka Soomaaliga kubahda ahi u sameeyaan afka iyo adeegsigiisa.
Xirfadaha shaqo ee Barnaamijka Mastarka
Ardayda ka qalinjabisa barnaamijkan Masterka, waxaa loo diyaariyay in ay kaalin mug leh ka qaadan karaan:
- Baridda afka Soomaaliga, heerarka kala duwan ee dugsiyada, Jaamacadaha iyo u gudbista waxbarasho heer sare ah oo PhD ah.
- Tifatiridda Saxaafadda, qorista maqaallada warbaahinta, curinta sheeko faneedyada iyo warbixino bilan oo ku qotoma afka, suugaanta iyo dhaqanka.
- Sixidda buugaagta, daraaso cilmiyeedyada, naqdinta suugaata iyo gofrwaynta togan ee tixda iyo tiraabta.
- Maaraynta aqoonta maktabadaha iyo maamulka xogaha suugaaneed, hormarinta cilmi-afeedka iyo lahjadaha af Soomaaliga.
- Maamuuska habdhaqanka bulshada, dalxiiska iyo isdhexgalka, isdhaafsiga hidda-dhaqameedka, hal-abuurka, tarjumaadda iyo aqoonta la xiriirta dhaqanka Soomaaliyeed.
Barnaamijkani waxaa uu ardayda siinayaa, sees aqooneed iyo saldhig u oggolaanayo in ay si xirfad leh uga shaqeeyaan meelo badan oo khibraddooda ku habboon.
Shuruudaha Gelitaanka Ardayga Mastarka
Si uu ugu guulayasto barnaamijka Master-ka ee Afka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee Jaamacadda Ummadda, ardaygu waa in uu buuxiyo shuruudahan:
- In uu ardaygu haysto shahaado jaamacadeed (Bachelor), ama wax u dhigma, oo ka yimid jaamacad la aqoonsan yahay.
- Inuu ardaygu haysto saldhig aqooneed ku saabsan luqadaha, gaar ahaan haddii uu horey u bartay af Soomaali, Ingiriis, Carabi ama luqad kale oo la mid ah. Tani waxay hubinaysaa in uu ardaygu leeyahay, aqoonta iyo fahamka lagamamaarmaanka u ah ka mid noqoshaha barnaamijkan Mastarka.
- In uu kala yimaaddo shahaado asluubwanaag ah goobtii uu wax kusoo bartay ama kasoo shaqeeyay.
Shuruudahani waxay dammaanad qaadayaan, in ay ardaydu leeyihiim ama haystaan aasaaska aqooneed ee lagamamaarmaanka u ah ku-guulaysiga Daraasaadka Sare ee Afka iyo Suugaanta Soomaaliyeed.
Maaddooyinka Masterka
| Semester One | ||
| General Linguistics
(Cilmi-afeedka Guud) |
||
| Classical Somali Literature
(Suugaantii hore ee Soomaalida) |
||
| Advance Somali Morphology
( Sarfaha af Soomaaliga oo faahfaahsan) |
||
| Rhetoric Science
(Cilmiga Balaaqada) |
||
| Media and Communication Skills
(Warbaahinta iyo Xirfadaha Isgaarsiinta) |
||
| Semester Two | Advance Somali Syntax1
(Naxwaha Af Soomaaliga oo Faahfaahsan1) |
|
| Somali Phonetics and Phonology
(Codadka iyo Codaynta Af Soomaaliga) |
||
| Somali Literary Criticism
(Naqdinta Suugaanta Soomaalida) |
||
| Somali and Cushtic Languages
(Af Soomaaliga iyo Afafka Kuushitigga) |
||
| Translation theory and practice
(Aragtida Turjumaadda iyo Abbaarta) |
||
| Semester Three | Advance Somali Syntax 2
(Naxwaha af Soomaaliga oo Faahfaahsan2) |
|
| Somali Sociolinguistics
(Cilmi-afeedka Bulashada) |
||
| Modern Somali Literature
(Suugaanta Casriga ah ee Sooomaalida) |
||
| Language Teaching Methodology
(Habka baridda Afafka) |
||
| Semester Four
|
Research Methodology
(Habka Cilmi-baarista) |
|
| Theses (Buugga Qalinjabinta) | ||
